Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa lagu dhaliilay inuu ogolaaday bixitaanka ciyaaryahan loo arko inuu noqon karo mustaqbalka ku guuleystaha Ballon d’Or, sida ay sheegeen qaar ka mid ah khubarada ciyaaraha.
Magacyada sida Cole Palmer, Morgan Rodgers, Liam Delap, iyo Jamie Gittens ayaa si fiican u soo baxay tan iyo markii ay ka tageen kooxda horyaalka Premier League, taas oo su’aalo ka keentay istiraatiijiyadda suuqa kala iibsiga ee City sannadihii ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay xiddigii hore ee Premier League iyo khabiirka kubadda cagta, Joe Cole, ciyaaryahanka ugu weyn ee Guardiola ka qoomameyn doono inuu iska fasaxo waa Julian Alvarez. Man City ayaa la sheegay in looga soo dalbaday xiddiga adduun ka badan £80 milyan oo ginni, taas oo ku qasabtay inay fasaxaan weeraryahanka reer Argentine, gaar ahaan maadaama uu kursiga keydka u fadhiyay Erling Haaland.
Si kastaba, qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Alvarez uu ka sameeyay Atletico Madrid iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee City ayaa laga yaabaa inay shaki geliyaan madaxda kooxda Etihad ee ku saabsan go’aankii ay ku fasaxeen. Alvarez ayaa dhaliyay 22 gool xilli ciyaareedkan isagoo ka caawiyay kooxda Diego Simeone inay ku tartanto horyaalka La Liga iyo inay gaarto heerarka dambe ee Champions League.
Ciyaaryahanka 25-jirka ah ayaa sidoo kale dhaliyay gool layaab leh kulankii lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ay la ciyaareen Real Madrid, taas oo u sahashay Atletico inay hal gool oo kaliya ku daba jiraan ka hor kulanka lugta labaad ee ay ku ciyaarayaan garoonkooda. Joe Cole ayaa ku tilmaamay goolkaas “mid qurux badan” isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in Alvarez uu leeyahay awoodda uu ugu guuleysan karo Ballon d’Or sanadaha soo socda.