Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa u sheegay qaar ka mid ah asxaabtiisa in uu aaminsan yahay in uu qalad ku galay qabashada shaqada Old Trafford, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Football Insider.
Macallinka reer Portugal oo 40 jir ah ayaa dareensan inuu sugi lahaa ugu yaraan ilaa xagaagan – islamarkaana uusan aqbali lahayn dalabkii ‘hadda ama marnaba’ ahaa ee ay madaxda United ku cadaadiyeen.
Amorim ayaa bedelay Erik ten Hag bartamihii bishii Nofeembar balse uma aysan suurto gelin inuu keeno isbeddel degdeg ah oo kooxda ah – iyadoo Man United ay ku jirto kaalinta 14-aad isla markaana laga reebay labadii koob ee gudaha England.
Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in tababarihii hore ee Sporting CP uu si shaqsi ah ula yaabay “sida xun ee ciyaartoydu yihiin”, isagoo markii hore u haystay inay aad uga wanaagsan yihiin marka loo eego sidii uu ka filayay kahor inta uusan qabanin shaqada Old Trafford.
Amorim ayaa saxiixay qandaraas ku eg ilaa Juun 2027 markii uu yimid Red Devils.
Tababaraha reer Portugal ayaa dagaal la galay Marcus Rashford kahor inta uusan amaah ugu biirin Aston Villa, isagoo si cad u dhaleeceeyay heerka tababarkiisa – sidoo kalena wuxuu si gaar ah u tilmaamay garabka Alejandro Garnacho.
Amorim ayaa kaliya helay hal saxiix bishii Janaayo xilli ay jireen dhibaatooyin dhaqaale oo ka jiray kooxda, iyadoo daafaca bidix Patrick Dorgu uu kaga yimid Lecce heshiis joogto ah.
Wuxuu ku guuleystay lix koob intii uu macallin ka ahaa Braga iyo Sporting CP ee dalka Portugal, balse tartanka Europa League ayaa ah rajadiisa kaliya ee uu ku hanan karo koob xilli ciyaareedkan.
Taageerayaasha Man United ayaa ku soo jeestay Amorim kaddib markii laga reebay FA Cup-ka kulankii Fulham ee Axadii (2-dii Maarso) – iyadoo qaar badan ay dalbanayaan in shaqada laga ceyriyo.
Sarkaalka sare ee dhinaca baarista ee United, Mick Brown (27-kii Febraayo) ayaa sheegay in Amorim uu “baabi’inayo niyadda” qolka labiska kooxda kaddib hadallada uu saxaafadda la wadaago.
Wuxuu u sheegay saxaafadda bishii hore in kooxdiisa ay “u badan tahay inay tahay tan ugu xun” ee 147-ka sano ee ay Manchester United jirtay.
Brown wuxuu ku adkeysanayaa in Amorim uu helay “waqti ku filan oo uu ku ogaado dhibaatooyinka” kooxda uu dhaxlay.