Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa mar kale saadaaliyay kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa haatan 8 dhibcood ka sarreysa Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad, inkastoo Gunners ay ciyaar baaqi u tahay.
Merson, oo ka hadlayay kulammada horyaalka ee dhici doona todobaadkan, wuxuu sheegay in haddii Liverpool ay Axadda ka badiso Manchester City, ay ugu dambeyn noqon doonaan horyaalka Premier League.
Wuxuu intaas ku daray in guushaasi ay soo afjari doonto rajada Arsenal ee hanashada horyaalka, isagoo sidoo kale saadaaliyay in Reds ay garaaci doonto Newcastle iyo Southampton.
Isagoo la hadlaya Sportskeeda, Merson wuxuu yiri:
“Waxaan filayaa in Liverpool ay si xun u burburin doonto Man City. Ma aaminsani inaan sidaan leeyahay, balse sidaas ayaan dareemayaa. City wax fursad ah ma haystaan. Haddii Liverpool guuldarraysato, aad bay uga niyad jabi doonaan horyaalka.”
“City aad ayey gaabis u ahayd kulankii Real Madrid, marka la eego sida Liverpool u dheelayso, Aad ayey u dhaqsiyo badan tahay Reds oo City ma joojin karto.”
“Guul ay Liverpool ka gaarto City waxay soo afjari doontaa rajada Arsenal ee horyaalka. Haddii ay City garaacaan, waxaan filayaa inay sidoo kale garaaci doonaan Newcastle iyo Southampton.”
“Marka aad hesho 13 dhibcood 15-ka dhibcood ee suurtagalka ah, xilli aad la ciyaartay saddex ka mid ah kooxaha ugu sarreeya horyaalka, taasi waa astaanta koox horyaal noqonaysa.”