Concacaf ayaa tallaabo ka qaaday garsooraha Marco Antonio Ortiz Nava kaddib markii la arkay isagoo u muuqda inuu Lionel Messi ka dalbanayo funaanaddiisa, kaddib guushii Inter Miami CF ee Concacaf Champions Cup ay ka gaartay Sporting Kansas City fiidkii Arbacada, ciyaar ka dhacday Children’s Mercy Park ee Kansas City.
Daqiiqado kaddib markii ciyaarta la dhammeeyay, garsooraha ayaa u dhaqaaqay dhanka Messi, waxaana la arkay isagoo u muuqda inuu ka codsanayo funaanaddiisa si uu xusuus ahaan ugu qaato. In kasta oo markii dambe la caddeeyay in Ortiz Nava uu dhab ahaantii Messi ka dalbaday saxiix uu ugu talagalay qof qoyskiisa ka tirsan oo baahi gaar ah qaba, haddana ficilkiisu wuxuu ka hor yimid xeerarka anshaxa ee garsoorayaasha Concacaf.
hay’adda u qaablisan arrimaha garsoorka ee horyaalka MLS ayaa bayaan u qoran sidan kasoo saartay arrinta:
“Concacaf waxay ka warqabtaa isdhexgalka dhexmaray garsoore Marco Antonio Ortiz Nava iyo Lionel Messi daqiiqado kaddib markii ciyaartii xalay ee Concacaf Champions Cup ee u dhaxeysay Sporting Kansas City iyo Inter Miami CF la soo afjaray,” ayay Concacaf ku sheegtay war-saxaafadeed ay siisay ESPN. “Kadib baaritaan, Concacaf waxay ogaatay in garsooraha uu u dhowaaday ciyaaryahanka si uu uga codsado saxiix loogu talagalay xubin qoyskiisa ah oo baahi gaar ah qaba.
“Hab-dhaqanka garsooraha ma waafaqsana Xeerka Anshaxa ee Xiriirka iyo nidaamyada jira ee codsiyada noocan ah. Garsooruhu wuu qirtay khaladkiisa, wuu ka raaligeliyay dhacdada, wuxuuna aqbalay tallaabada anshaxeed ee Concacaf qaaday.”
Concacaf ma shaacin waxa uu yahay ganaaxa la saaray garsooraha.