Liverpool ayaa si weyn ugu awood sheegatay kooxda Tottenham Hotspur oo aan haysan wax weerar ah, iyagoo 4-0 uga badiyay Axadii si ay u xaqiijiyaan booskooda finalka Carabao Cup.
Laakiin kabtanka Reds, Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu ka niyad jabay qeyb ka mid ah qaab ciyaareedkii kooxdiisa intii lagu jiray guushaas weyn.
Goolal ay dhaliyeen Cody Gakpo, Mohamed Salah, Dominik Szoboszlai, iyo Van Dijk ayaa Liverpool ku hoggaamiyay inay ku xaaqdo kooxda Spurs ciyaartii ka dhacday Anfield.
Liverpool ayaa ciyaarta gacanta ku haysay laga bilaabo daqiiqaddii ugu horreysay, heer ay Spurs ku guul darreysteen inay hal darbo oo bartilmaameed ah sameeyaan. Si kastaba ha ahaatee, Van Dijk ayaa dhaliilay bandhiggoodii qeybtii hore ee ciyaarta.
“Waxaan u baahneyn inaan ciyaarta dilno.Weli waxaan aaminsanahay in qeybtii nasashada kadib aan kor u qaadi karnay heerka xamaasadda, iyagana u cadaadin karnay si ka badan sidii hore, waana taas waxa aan u sheegay [kooxda] sidoo kale,” Van Dijk ayaa sidaas ku sheegay wareysi uu siiyay Sky Sports.
“Laakiin in aan guuleysano sida aan caawa u guuleysannay waa wax weyn oo u wanaagsan kooxda iyo tababareyaasha, waxaana hadda diiradda saareynaa kulamada FA Cup.”