Fabrizio Romano ayaa bixiyay warar cusub oo ku saabsan sheekooyinka suuqa kala iibsiga ugu waaweyn Yurub, oo ay kujiraa suuqa Man Utd iyo Chelsea iyo sidookale qandaraaska cusub ee Matheus Cunha.
Isagoo ka hadlayay Youtube-kiisa, Romano ayaa xaqiijiyay in Aston Villa ay heshiis la gaartay xiddiga Man Utd ee Marcus Rashford, halka uu sidoo kale bixiyay warar cusub oo ku saabsan mustaqbakka Marco Asensio iyo Joao Felix.
Haddii aysan dhicin wax waali ah, Marcus Rashford wuxuu u ciyaari doonaa Aston Villa maalmaha soo socda. Heshiiska amaahda,waxaa kujira ikhtiyaar iibsasho.
Romano ayaa sidookale daaha ka qaaday in bartilmaameedka Arsenal ee Matheus Cunha uu leeyahay qiimo lagu burburin karo qanadaraaskiisa cusub ee xagaaga Wolves.
“Mateus Cunha wuxuu sii joogayaa Wolves, waa rasmi, heshiiska cusub wuxuu gaaraaa ilaa 2029, laakiin Cunha wuxuu ahaan doonaa magac xagaaga ku biiri kara Arsenal haddii ay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Romano ayaa shaaca ka qaaday sidookale qorshaha suuqa kala iibsiga ee Man Utd ka dib markii ay la soo saxiixdeen Patrick Dorgu iyo Ayden Heaven.
Patrick Dorgu, waa ciyaaryahanka cusub ee Man Utd, 30 milyan euro iyo 5 milyan oo dheeri ah ayuu ugu biiray” ayuu yiri Romano
Hadda waxaa xiga Tyrell Malacia oo amaah ugu biiraya Benfica iyo saxiixa garabka Bayern Munich Tel.