AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay riixeyso dhameystirtka heshiiska weeraryahanka Chelsea Joao Felix ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Kooxda reer Talyaani ayaa hore u dhamaystirtay saxiixa amaahda ee Kyle Walker oo ay kala soo wareegtay Manchester City, laakiin sidoo kale waxay dooneysaa inay la soo wareegto labada xiddig ee Felix iyo Santiago Gimenez maalinta ugu dambaysa suuqa.
Aston Villa ayaa xiisaynaysay saxiixa xiddiga reer Portugal todobaadkii hore, laakiin kooxda Unai Emery ayaa haatan isaga baxday tartanka kadib markii ay heshiis la gaartay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford.
AC Milan ayaa u muuqata inay tahay kooxda kaliya ee u tartameysa saxiixa Felix ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Rossoneri ayaa aad u xiiseyneysa inay amaah ku soo qaadato Felix, sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio, laakiin Chelsea ayaa rabta in lagu daro iibsasho toos ah.
Blues ayaa laga yaabaa inay dejiso mawqifkeeda, iyadoo maalinta kama dambaysta ah ee suuqa ay soo dhawaaneyso.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Enzo Maresca ayaa haatan ku adkaysaneysa in Felix aanu kooxda kaga tagi doonin amaah aan lagu darin iibasasho toos ah.