Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah, isagoo u muuqda mid si buuxda ula qabsaday Los Blancos.
Mbappe ayaa xagaagii hore si xor ah ugu soo biiray Real Madrid kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisii Paris Saint-Germain. Si kastaba ha ahaatee, bilowgiisii kooxda Madrid ma uusan noqon mid filashooyinka buuxiya, iyadoo xiddiga reer France uu ku dhibtooday la qabsiga habka ciyaar ee kooxda isla markaana soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh kulamo badan.
Hase yeeshee, Mbappe ayaa si cad ugu guuleystay inuu dib u soo nooleeyo qaab ciyaareedkiisa, isagoo gool dhaliyay dhammaan afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu ciyaaray.
Wargeyska AS ayaa sheegay in Mbappe uu fasaxa Kirismaska soo galay isagoo leh 14 gool oo uu ka dhaliyay horyaalka iyo tartamada kale ee xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigaysa inuu hal gool ka sara maro Cristiano Ronaldo sanadkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Mbappe uu heysto fursad uu ku qoro taariikh weyn oo uu kaga ag dhowaado xiddigii uu ku dayday ee Cristiano Ronaldo, oo ah mid ka mid ah halyeeyada ugu waaweyn ee abid soo mara Los Blancos.
Mbappe ayaa haatan isku muujiyay inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo ay Real Madrid ku tiirsan tahay, taasoo muujineysa in mustaqbalkiisa Santiago Bernabéu ifayo.