Michael Owen wuxuu weeraray ciyaaryahan “doqon” ah oo ka tirsan Manchester United kadib guuldaradii 3-0 ee naxdinta lahayd ee ka soo gaartay Bournemouth.
Michael Owen ayaa sheegay in Manchester United aysan ahayn koox wanaagsan kadib markii ay guuldarro 3-0 ah kala kulmeen Bournemouth, ayagoo joogo garoonkooda Old Trafford, isagoo mid ka mid ah ciyaartoydana ku tilmaamay “doqon.”
Kooxda Ruben Amorim ayaa si weyn loogu buuqsaday garoonka Old Trafford ka dib markii Bournemouth ay mar kale si xun u garaacday sanadkii labaad oo xiriir ah, waxaana United ay guuldarro la kulantay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
Guuldarradan ayaa ka dhigtay in Manchester United ay kaalinta 13-aad u dhacdo maalinta Kirismaska, iyadoo kaliya 7 dhibcood ka qaadatay lixdii kulan ee ugu horreysay ee uu Ruben Amorim hogaaminayey kooxda.
Bournemouth, oo haatan ku jirta kaalinta shanaad oo u hanqal taagaysa boosaska Yurub, ayaa si la yaqaan u garaacday United.
Michael Owen, oo aad uga niyad jabsan bandhiggii Manchester United, ayaa sheegay in khaladkii Mazroaui ee rigoorada uu astaan u ahaa dhibaatada kooxda.
Markii wax laga weydiiyay Mazroaui oo uu ku tilmaamay mid “dagdagsan,” Owen wuxuu yidhi: “Wuxuu sameeyay wax doqonimo ah”
“Waxa xanuunka leh ee Manchester United maalmihii dambe waa marka gool lagala hormaro,wey niyad jabaan, marna ma filaysid inay soo laabtaan.”