Tartanka kabta dahabka ee gool dhalinta yurub ayaa mar kale meel xiiso leh maraya, iyadoo Harry Kane uu wajahayo tartan adag si uu u difaacdo abaal marintii uu ku guuleystay xilli ciyaareedka 2023-24.
Kane ayaa ku guuleystay abaalmarintan isaga oo dhaliyay 36 gool asagoo u ciyaaraya Bayern Munich, iyadoo Serhou Guirassy (28 gool), Erling Haaland (27 gool), iyo Kylian Mbappé (27 gool) ay dhammaantood ka mid ahaayeen lixda ugu sarreysa.
Halkan waxaan kusoo koobnay xiddigaha ugu goolasha badan Yurub xilli ciyaareedka 2024-25:
1. Robert Lewandowski (Barcelona) – 16 gool
2. Mohamed Salah (Liverpool) – 15 gool
3. Harry Kane (Bayern Munich) – 14 gool
4. Erling Haaland (Manchester City) – 13 gool
5. Omar Marmoush (Eintracht Frankfurt) – 13 gool
6. Mateo Retegui (Atalanta) – 12 gool
7. Cole Palmer (Chelsea) – 11 gool
Iyadoo ay jiraan isbeddelo xiiso leh maalin walba, tartanka kabta dahabka wuxuu noqonayaa mid aad u xiiso badan marka xilli ciyaareedku galo xilliga geba-gebada.