Liverpool ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Premier League oo ay afar dhibcood kaga hayaan Chelsea kadib markii ay 6-3 ku garaaceen Tottenham kulan kale oo fowdo badan oo ay wajaheen kooxda Ange Postecoglou.
Luis Díaz ayaa laba gool dhaliyay, iyadoo Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai iyo Mohamed Salah oo laba gool dhaliya ay dhamaan shabaqa Tottenham gaareen.
James Maddison, Dejan Kulusevski iyo Dominic Solanke ayaa Spurs u dhaliyay saddex gool oo aan waxba u tarin kulankii caawa.
Rikooro taariikhi ah ayuu Mohamed Salah caawa u dhigay kooxda Liverpool kadib guushii ay ka gaareen Tottenham.
Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda dhaliyay 10+ gool caawiyay 10+ afar xilli ciyaareed oo isku xigta oo Premier League ah.
Salah sidoo kale waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dhaliya islamarkaana caawiya kulan Premier League ah ka hor Christmas-ka.
Wax cajiib ah oo Boqorka Masar oo sanad qurux badan la qaadanaya kooxda Liverpool, waxaaase jawaab u baahan Slot maka dhaadhicin doonaa xiddiga inuu saxiixo qandaraas cusub.
Mohamed Salah ayaa isku dar dhalin iyo caawin heysta tirada ugu badan oo a 32 gool tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, waxaa kuso xiga Saka oo ku lug leh 23 gool.