Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa sannadka 2024-ka ku soo gebogebaysay iyadoo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Laliga Spain.
Real Madrid, waxay sanadkan soo gabagbeysay iyadoo heshay 90 dhibcood halkii laga rabay 114 dhibcood.
Los Blancos ayaa laga badiyay kaliya labo kulan 38-dii kulan ee ay ciyaartay sanadkan, waxaana ay garaacay kaliya Barcelona iyo Athletic Club, iyagoo sidookale sagaal bar baro iyo 27 guul loo diiwaan galiyay.
Sanadkoodii ugu fiicnaa wuxuu ahaa 2021, waxay ku dhameysateen iyagoo uruursaday 97 dhibcood.
Real Madrid ayaa sanadkan 2024 si heer sare ah ku soo idleysay kaddib markii ay 4-2 kaga badisay Sevilla ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.
Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolka furitaanka, isagoo si cajiib ah uga soo toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa kubad xoogan.
Xiddiga reer France ayaa dhaliyay Afar kulan xiriir ah goolal kadib markii uu shabaqooda gaaray kooxaha Girona, Atalanta iyo Pachuca.
10-daqiiqo kadib Federico Valverde oo kubadda si fiican u daba mariyay goolhayaha Sevilla Alvaro Fernandez.
Natiijadaas ayaa la micno ah in Real Madrid ay badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay ku dhameysteen 2024 iyagoo kujira booska labaad ee kala sareynta La Liga – hal dhibic ayay ka hooseeyaan Atletico Madrid.