Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayay ku adkaatay inuu qiil u helo guuldaradii 0-3 ahayd ee ka soo gaartay Bournemouth, isagoo si fudud u soo qaatay duruufaha adag oo ay kujirto kooxdiisa.
Red Devils ayaa rajeyneysay inay sii wadato guushii ay ka gaareen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City isbuucii hore, iyagoo markaas guuleysatay labo jeer oo isku xigta Premier League markii ugu horeysay tan iyo markii uu yimid tababaraha reer Portugal.
Laakiin dadaalkooda ayaa soo dhamaaday, iyadoo Cherries ay ku soo laabteen koonfurta England iyagoo seddex dhibcood oo muhiim ah soo qaatay ka dib markii ay dhaliyeen saddex gool kulankii ay u martiyeen Man Utd.
Amorim waxa uu dareemay in ay ciyaar adag wajaheen ciyaartoydiisa, isaga oo dhinaca kale tixgaliyay duruufaha ka jira kooxdiisa.
“Haddii aad eegto ciyaarta, ka hor goolkii koowaad ee nalaga dhaliyay waxaan helnay fursado badan.” ayuu yiri tababarihii hore ee Sporting CP oo ciyaarta ka dib la hadlay Sky Sports.
Xilligan oo kale, wax walba waa nagu adag yihiin. waxaan dooneynaa inaan mar kale hello qaab ciyaareed sax ah” ayuu yiri Amorim.
Man Utd ayaa kulanka soo socda ku wajaheysa kooxda Wolves maalinta ugu horeysa ee Boxing Day Premier League.