Alexis Sanchez ayaa shaaca ka qaaday inuu ka qoomameeyay ku biirista Manchester United kaddib tababarkii ugu horreeyay, isagoo kaga soo wareegay Arsenal heshiis weyn oo dhacay Janaayo 2018.
Weeraryahanka reer Chile, oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Arsenal wacdaro dhigay kaddib markii uu ka yimid Barcelona 2014, wuxuu ku guuleystay FA Cup iyo abaalmarinta Xiddiga Sannadka ee kooxda isagoo dhaliyay 25 gool. Sanchez ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii 2016/17 dhaliyay 24 gool, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda Arsene Wenger, taasoo keentay inuu soo jiito kooxaha Manchester City iyo Manchester United.
Markii Man City ka baxday tartanka saxiixiisa, Sanchez wuxuu qaatay go’aanka muranka dhaliyay ee uu ugu wareegay Manchester United, iyadoo Henrikh Mkhitaryan uu u wareegay Arsenal. Si kastaba ha ahaatee, Sanchez ayaa qiray inuu isla markiiba ka shalaayay go’aankaas.
“Waxaan aqbalay fursadda aan ugu biirayay United,” ayuu yiri Sanchez isagoo ka hadlaya dhacdadan sanadkii 2020. “Waxay ahayd wax soo jiidasho leh, wax wanaagsan ayaana ii muuqday. Waxaan jeclaa kooxdaan markaan caruurta ahaa. Ugu dambeyn waan saxiixay, laakiin ma aanan baarin xaaladda gudaha kooxda ka jirta.
“Markii aan dhammeystiray tababarkii ugu horreeyay, waxaan guriga u tagay anigoo u sheegay qoyskayga iyo wakiilkayga, ‘Ma joojin karnaa heshiiska oo dib ma ugu laaban karnaa Arsenal?’ Wey igu qosleen, laakiin waxaan u sheegay inay jiraan wax aan sax ahayn. Waan saxiixay oo ma jirin waddo aan uga bixi karay.”
Sanchez ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedkiisii Arsenal kusoo bandhigo United, isagoo dhaliyay kaliya 3 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkii 2017/18, oo ay ku jiraan 2 gool oo Premier League ah. Xilli ciyaareedkii ku xigay wuxuu noqday mid musiibo ah, isagoo la dhibtoonayay dhaawacyo iyo hoos u dhac qaab ciyaareedkiisa ah.
“Koox ahaan ma aanan ahayn mid mideysan waqtigaas,” ayuu Sanchez ku daray, isagoo ka hadlaya dhibaatooyinkii United.
Sanchez ugu dambeyn wuxuu ka tagay United isagoo ku biiray Inter Milan sanadkii 2019, taas oo xusuus ahaan ka dhigtay mid ka mid ah heshiisyadii ugu fashilka badnaa ee taariikhda Premier League.