Marcus Rashford ayaa waxaa ceyrsanaya seddexda kooxood oo ka dhisan Sacuudi Carabiya kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Man Utd.
Al-Ittihad, Al-Ahli iyo Al-Qadsiah ayaa sida ay wararku sheegayaan xiiso weyn u muujiyay weeraryahanka heerka caalami ee dalka England.
Rashford ayaa qarka u saaran inuu baxo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ka dib markii uu bixiyay wareysi uu ku xaqiijinayo rabitaankiisa isagoo yiri “tartan cusub ayaan u baahanahay”
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii tababare Ruben Amorim uu gabi ahaanba ka saaray shaxdiisii 2-1 kaga badisay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City usbuucii hore.
Rashford ayaa sidoo kale laga saaray kooxdii United ee todobaadkan 4-3 guuldarro ah kala kulmay Tottenham Carabao Cup.
Wuxuu mustaqbalkiisa Old Trafford hadda u muuqdaa mid mugdi ku jiro, iyadoo la rumeysan yahay inuusan wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo tababare Amorim.
Kooxaha ka dhisan Sacuudiga ayaa haatan lacag waali ah ku baadi goobaya xiddiga heerka caalami ee dalka England, sidookale PSG iyo Barcelona ayaa dalab horu dhac ah u gudbiyay Man Utd.