Mikel Arteta ayaa ka jawaabay xiriirka Arsenal iyo Marcus Rashford ee ku aaddan suuqa kala iibsiga.
Mikel Arteta ayaa diiday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Arsenal ay xiiseyneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford.
27-jirka ayaa bixiyay wareysi uu siiyay Henry Winter toddobaadkan, taasoo dhalisay tuhun ah inuu doonayo inuu ka tago Manchester United si uu ugu biiro “caqabado cusub”.
Rashford ayaa yiri: “Markaan baxo, waxay noqon doontaa,wax iska caadi ah’. Ma sheegi doono wax xun oo ku saabsan Manchester United. Waa sida aan ahay shaqsiyan.
“Haddii aan ogaado in xaaladdu horey u xun tahay, ma sii xumeyn doono. Waxaan arkay sida ciyaartoyda kale u baxeen waagii hore, mana doonayo inaan noqdo ayaga.
“Markaan baxo, waxaan soo saari doonaa bayaan, kamana hadli doono wax xumaato ah.”
Arsenal ayaa loo maleynayaa inay tahay kooxda saddexaad ee ugu cadcad inay Rashford la saxiixato, sida ay sheegayaan khabiirrada, iyadoo Paris Saint-Germain iyo Horyaalka Sacuudiga ay kaalmaha hore ku jiraan suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa diiday inuu abuuro hadal hayn ku saabsan suurta-galnimada uu Rashford ugu soo wareegi karo Arsenal intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee Jimcaha.
Markii wax laga weydiiyay haddii uu aaminsan yahay inuu dib u soo nooleyn karo xirfadda Rashford ee Arsenal, Arteta ayaa ku jawaabay: “Maya, waadna ogtahay inaanan jecleen ka hadalka ciyaartoyda ka tirsan kooxaha kale.”
Rashford ayaa laga reebay safka ciyaartoyda ee Manchester United kulankii Carabao Cup-ka ee ay 4-3 uga guuldarreysteen Tottenham habeenkii Khamiista, hase yeeshee Ruben Amorim ayaa sheegay in weeraryahanka uu diyaar u yahay kulanka horyaalka Premier League ee ay Bournemouth la ciyaarayaan Axadda.