Mikel Arteta ayaa laba war oo farxad leh kasoo saaray dhaawaca kooxdiisa isagoo xaqiijiyay in Declan Rice iyo Riccardo Calafiori ay diyaar u noqon doonaan kulanka sabtida ee Crystal Palace.
Tababaraha Gunners Arteta, oo shan sano ay u buuxsantay maanta shaqadiisa Arsenal ayaa sheegay in Oleksandr Zinchenko uu sidoo kale ku dhow yahay inuu ka soo laabto dhaawac ka dib markii uu seegay kulamadii ugu dambeeyay.
Rice iyo Calafiori labaduba waa diyaar waxay ku jiraan kooxda. Zinchenko sidoo kale waa diyaar,” Arteta ayaa ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Crystal Place.
Arteta wuxuu sheegay inuu wax badan sameeyay shantii sano ee uu joogay Arsenal, isagoo ku faanay in Gunners ay hadda yihiin kuwo ku tartamaya horyaalka Premier League. Laakiin taas aysan jirin isaga ka hor.
Arteta wuxuu sameeyay isbedel weyn oo kooxda Arsenal ah tan iyo markii uu yimid, wuxuu ka shaqeeyay midnimada iyo isku xirka koxda taasoo ah waxa kaliya ee lagu amaani karo.
Inbadan oo kamid ah taageerayaasha Arsenal ayaa ku doodaya in la ceyriyo Arteta hadii uusan wax koob ah ku guuleysan xili ciyaareedkaan.