Luka Sucic ayaa noqday mid ka mid ah magacyada xilli ciyaareedkan ugu cad cad ee horyaalka Spain ee La Liga.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia, ayaa xagaagii hore ay Real Sociedad kula soo wareegtay 10 milyan oo euro, laakiin wuxuu lasoo baxay tayo, aragti iyo farsamo gaar ah.
Kooxda reer England ee Man United ayaa u muuqata mid diyaar u ah in ay dalab 40 milyan oo euro ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe oo 22 jir ah xagaaga.
Tan iyo markii uu ku biiray kooxda ku ciyaarta San Sebastián, Sucic wuxuu ku muujiyay awood gaar ah kooxda ka dhisan Basque oo uu la qaatay waqti guulo ah.
Awoodiisa uu ku maamulo khadka dhexe iyo ka qayb qaadashadiisa weerarka iyo difaacaba waxay ka dhigtay mid soo jiitay indhaha kooxda Man United.
Xiisaha Manchester United maahan mid la yaab leh marka la eego saameynta degdega ah ee uu ku yeeshay laacibkaan kooxda Real Sociedad.
Laakiin qorshaha Amorim waxaa caqabad ku ah kooxda Real Sociedad oo caan ku ah in aysan si sahlan ku fasaxin xiddigahooda muhiimka ah.