Troy Deeney ayaa weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ku calaamadeeyay inuu yahay Flop-kii ugu weynaa 2024, isagoo dhaleeceeyay dabeecadiisa iyo xisaabtan la’aantiisa.
Rashford ayaa dhaleeceyn weyn la kulmayay maalmahaan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 27 jirkan uu doonayo inuu ka tago kooxdiisa caruurnimada.
Deeney waxa uu aaminsan yahay in Rashford uu ka hoos maray heerkii ugu fiicnaa ee lagu bartay sanadka 2024.
Yaa u aragtaa Flp-ka Premier Legaue ayaa la weydiiyay Deeney? Malaha waa Rashfotd ayuu si dhaqso ah u yiri.
“Marcus wuxuu la kulmay niyad jabkii ugu weynaa sanadkan, ‘Flop’ waa eray adag, laakiin waxaan ula jeedaa inuu ku dhacay niyad jab fool xun.
Waxa aan la yaabay kulankii Arsenal, wax badan oo muuqda kama sameyn garoonka, wuxuu muujinayaa dabeecado aan qurux badneyn, wuxuu mararka qaar sameynayaa wax aysan xitaa caruurteyda sameynin” ayuu yiri Deeney.
Rashford ayaa hadda ka maqan shaxda tababare Amorim ee Man Utd, mana cada mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu ku dhawaaqay inuu u baahan yahay tartan cusub.