Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa qirtay inuu ka qoomamoonayo inuusan fursad u helin inuu la ciyaaro halyeyga kooxdaas, Cristiano Ronaldo, inkastoo uu waayo-aragnimo la wadaagay Lionel Messi intii uu joogay Paris Saint-Germain.
Mbappe, oo si weyn u jecel Ronaldo tan iyo yaraantiisii, ayaa had iyo jeer ka dhawaajiya sida uu u qiimeeyo halyeyga reer Portugal. Wuxuu si dhow ula socday guulaha uu Ronaldo ku gaaray Real Madrid, halkaasoo uu rikoorro badan jebiyay isla markaana taariikh weyn ka sameeyay. Intii lagu jiray bandhiggiisii ugu horreeyay ee Santiago Bernabeu xagaagii hore, Mbappe xitaa wuxuu ku celiyay hal-ku-dhiggii caanka ahaa ee Ronaldo ee “Uno, dos, tres, Hala Madrid!”
Ka dib markii uu khibrad qani ah la wadaagay Lionel Messi iyo Neymar intii uu joogay PSG, Mbappe ayaa sheegay in la ciyaarista Ronaldo ay noqon lahayd qeyb kale oo xiiso leh oo ka mid ah xirfaddiisa.
Isagoo la hadlayay BeIN Sports, Mbappe ayaa yiri: “Waxaan la ciyaaray ciyaartoy waaweyn: Lionel Messi, Neymar, [Antoine] Griezmann, [Paul] Pogba, [Karim] Benzema… Cristiano Ronaldo la ciyaaristiisu waxay noqon lahayd mid xiiso leh. Hadda aad ayay u adag tahay, laakiin waan nasiib badanahay inaan ka hor tago, isagoo ah halyeyga ciyaarta.”
Tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid xagaagii kadib bixitaankiisii PSG, Mbappe wuxuu durba ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda. Isagoo ka caawiyay Madrid inay ku guuleysato Intercontinental Cup Arbacadii. Mbappe wuxuu sidoo kale kula guuleystay koobkii UEFA Super Cup bishii August, taasoo sii xoojisay booskiisa halyeeyada kooxda.