Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, oo si wanaagsan ku bilowday shaqadiisa Stamford Bridge, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu sameyn doonto isbeddelo bisha Janaayo iyadoo la filayo in ciyaartoy dhowr ah ay ka tagaan kooxda.
Maresca, oo Chelsea ku hoggaamiyay guul 5-1 ah oo ay ka gaareen Shamrock Rovers kulan ka tirsan UEFA Conference League, ayaa sidoo kale kooxda u horseeday kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.laba dhibcood oo kaliya ayey u jiraan Liverpool Oo hoggaamineysa horyaalka.
Hase yeeshee, tababaraha Talyaaniga ayaa qirtay in ciyaartoyda aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda ay doonayaan inay baxaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
“Ma dooneyno inaan ciyaartoy iibino bisha Janaayo… laakiin waxaa dhici karta in ciyaartoyda aan si joogto ah u ciyaarayn ay niyad jabaan oo ay go’aansadaan inay baxaan,” ayuu u sheegay TNT Sport. “Kadib waan arki doonaa waxa dhaca.”
Hadalkan ayaa sare u qaaday shaki laga qabo mustaqbalka Christopher Nkunku, oo tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray RB Leipzig xagaagii 2023 dhibaato ku qabay dhaawacyo, taasoo keentay iney ku adkaato inuu boos joogto ah ka helo safka hore. Inkastoo uu markan taam yahay, haddana waxaa ku adkaanaya inuu helo fursado joogto ah.
Sidoo kale, daafacyada Benoit Badiashile iyo Axel Disasi ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan ciyaartoyda loo ogolaanayo inay baxaan, halka Kiernan Dewsbury-Hall, oo kaliya 55 daqiiqo ciyaaray horyaalka tan iyo markii uu Maresca kaga soo biiray Leicester, uu isna shaki ku jiro mustaqbalkiisa.
Ciyaartoyda kale ee la filayo inay tagaan waxaa ka mid ah Cesare Casadei, Carney Chukwuemeka, iyo Ben Chilwell, kuwaasoo xitaa aan ku jirin liiska Chelsea ee Premier League.
Bisha Janaayo ayaa noqon doonta mid muhiim ah oo ay Chelsea ka go’aan qaadan doonto ciyaartoyda ku faraxsan safka iyo kuwa doonaya inay mustaqbal cusub raadsadaan.