Mikel Arteta ayaa fursad u helay inuu isku shaandheyn ku sameeyo dhowr ka mid ah ciyaartoydiisa Arsenal kulankii sideed dhamaadka EFL Cup ee ka dhacay caawa Emirates Stadium.
Kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa magacawday kow iyo toban ciyaartooy awood badan, iyadoo tiro kale u dhigatay kulanka sabtida ee Premier League Crystal Place.
Arteta ayaa doortay todobo badal inuu ku sameeyo shaxdiisa, kaliya David Raya, Jurrien Timber iyo Mikel Merino ayaa ilaashaday booskooda.
Kieran Tierney iyo Raheem Sterling, ayaa kusoo bilowday safka hore, Arteta wuxu u muuqdaa mid lumiyay kalsoonida Sterling, oo dhowr fursad oo qaali ah qasaariyay caawa.
Arsenal ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Crystal Palace iyagoo gaaray semi-finalka EFL Cup-ka.
Palace ayaa goolka la hor martay, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Jean-Philippe Mateta, laakiin saddexley uu dhaliyay Gabriel Jesus ayaa soo celisay rajadii Gunners ee ciyaarta.
Weeraryahankii hore ee Gunner Eddie Nketiah ayaa gool soo daahay dhaliyay, laakin ugu danbeyn waxba uma tarin koxdiisa oo looga badiyay 3-2.
Dhinaca kale laba gool oo ka yimid Nunez ito Elliott ayaa ka caawiyay Liverpool in ay u gudubto semi-finalka EFL Cup-ka.
Reds ayaa 2-1 kaga badisay kooxda dhibtooneysa ee Southpton oo ay marti u ahaayeen.