Chelsea ayaa sheegtay inay ku wargeliyeen xiriirka kubbadda cagta Ingiriiska ee FA-ga natiijo aan wanaagsaneyn oo ay ku arkeen kaadida xiddiga garabka ka ciyaara ee Mykhailo Mudryk.
Kooxda Kubadda Cagta Chelsea waxay xaqiijin kartaa in Xiriirka Kubadda Cagta uu dhawaan la xiriiray ciyaaryahanka Mykhailo Mudryk, si uu u xaqiijiyo baaritaanka caadiga ah ee kaadidiisa,” ayaa lagu yiri bayaan kooxdu soo saartay maanta.
Kooxda iyo Mykhailo labaduba waxay si buuxda u taageerayaan barnaamijka tijaabada FA-ga ee lagu sameeyo dhammaan ciciyaartoyda.
Dhinaca kale Mykhailo waxa uu si cad u xaqiijiyay in aanu waligiis si bareer ah u isticmaalin walxo mamnuuc ah kadib markii lagu helay isticmaalka darooga mamnuuc ka ah jirka ciyaartooyda.
Chelsea ayaa ku tiri bayaanka ay soo saartay” Mykhailo iyo naadiguba waxay hadda kala shaqaynayaan hay’adaha ay qusayso arinkaan si loo ogaado waxa keenay natiijada xun.
Mudryk ayaa 15 kulan u saftay kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan, waxaana uu qeyb ka ahaa safkii 2-0 kaga badiyay kooxda Jarmalka ee Heidenheim kulan ka tirsan League Conference 28-kii November, markaasoo uu dhaliyay goolkiisii seddexaad ee xilli ciyaareedkan.
Waxa uu Chelsea ugu soo biiray 88.5 milyan ginni kooxda Ukraine ee Shakhtar Donetsk bishii Janaayo 2023.
Mudryk ayaa wajihi kara ganaax lamid ah kii soo idleeyay mustaqbalkii kubadda cagta ee Paul Pogba.