Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa si gaar ah u amaanay Diogo Jota iyo Harvey Elliott kadib markii ay labada ciyaaryahan soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah kulankii barbaraha 2-2 ee ay la galeen Fulham, xilli ay ku soo laabteen safka, kadib dhaawacyo muddo dheer ah.
“Waxay ahaayeen kuwo cajiib ah,” ayuu Slot ku yiri wareysi uu siiyay BBC MOTD.
Slot wuxuu ku ammaanay Jota boos qaadashadiisa caqliga leh iyo awoodiisa uu kubadda ugu maareynayo aagga hore. Wuxuu tilmaamay in Jota uu si weyn uga dhex muuqday kulanka, gaar ahaan isagoo ku lug yeeshay gool heer sare ah.
Isagoo sidoo kale ka hadlaya Elliott, Slot wuxuu ammaanay soo laabashadiisa xooggan iyo saameyntii uu ku yeeshay kulanka inkastoo kooxda ay ciyaaraysay iyadoo 10 ciyaaryahan ah kadib casaankii Andy Robertson.
Slot ayaa qiray in guuldarro weyn ay ahaan laheyd in Liverpool ay dhibco lumiyaan ayagoo jooga garoonkooda, inkastoo uu sheegay in bandhiggooda lagu tirin karo mid heer sare ah marka loo eego duruufaha ay ku jireen.
“Wax badan ayaa dhacay, laakiin waxa ii muuqday waa sida aan u sameynay bandhig cajiib ah inkastoo aan ku ciyaareynay 10 nin,” ayuu yiri Slot.
Liverpool waxay wali ku sii jirtaa safka horyaalka Premier League inkastoo ay gashay barbaro, iyadoo Jota iyo Elliott la filayo inay saameyn weyn ku yeeshaan kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedka.