Manchester City ayaa heshay war farxad leh oo ku saabsan xaaladda Rodri, oo si ka wanaagsan sidii la filayay uga soo kabsaday dhaawicii halista ahaa ee ACL ee uu soo gaaray bishii September.
Rodri, oo ahaa lafdhabarka City kana mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan, ayaa markii hore la filayay inuu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka. Hase yeeshee, warbixin cusub oo ka soo baxday The Sun ayaa sheegeysa inuu kasoo hormaro jadwalkii loogu talagalay soo kabashadiisa.
Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa la sheegay inay ku faraxsan yihiin horumarkiisa, gaar ahaan dhaqdhaqaaqiisa iyo awooddiisa ku saabsan isticmaalka mashiinka orodka.
Warbixinta waxay tilmaantay inuu laba bilood ka horreeyo jadwalkii loo qoondeeyay soo kabashadiisa.
Rodri ayaa hore ugu sheegay idaacadda Cadena Ser in uu rajo ka qabo inuu mar kale ciyaaro xilli ciyaareedkan, isagoo yiri:
“Hadda kama fikirayo kubadda cagta, ama ku guuleysiga. Waxaan diiradda saarayaa inaan naftayda fursad siiyo oo aan helo heerkii aan ku jiray ka hor dhaawaca. Ujeedkeyga maskaxiyan waa inaan ciyaaro xilli ciyaareedkan.”
City oo ku jirta xaalad adag ayaa u baahan dib u soo laabashada Rodri si uu u dhiirrigeliyo kooxda, taas oo laga yaabo inay si weyn u saameyso safka horyaalka iyo tartamada kale.
Haddii Rodri dib ugu soo laabto garoonka xilli ciyaareedkan, wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah qorshaha Pep Guardiola, maadaama kooxda ay dhibaato ku qabto foomka kulamadii ugu dambeeyay.