Arne Slot ayaa qirtay sababtii keentay in garoonka laga ganaaxo hal kulan kadib markii uu ka falceliyay go’aan garsoore intii lagu jiray barbarihii 2-2 ee Liverpool iyo Fulham ee Anfield.
Tababaraha reer Netherlands ayaa qaatay jaallihiisii saddexaad ee xilli ciyaareedka kadib markii uu si cadho leh uga falceliyay markii Curtis Jones loo taagay jaalle khalad uu ku galay Alex Iwobi, taasoo keentay in taageerayaasha Reds canaantaan go’aanka garsooraha.
Xaaladda ayaa ahayd mid kacsan, maadaama Liverpool ay lumisay Andy Robertson kadib markii loo taagay kaarka cas uu Harry Wilson ku joojiyay, taasoo loo arkay inuu diiday fursad gool dhalineed cad, ciyaarta ayaana socotay kaliya 17 daqiiqo.
Slot ayaa sheegay in go’aanada noocan ah ay adag tahay in la xukumo:
“Way adag tahay inaan xukmiyo wuxuu ku kacay garsooraha maxaa yeelay waxaan u arkaa garoonka sida garsooraha. Waa in aan aqbalno wixii ay VAR aragto. Waxaad ogtahay sida ay go’aanadan muhiimka u noqon karaan. Ciyaarta barbaro ayey ku dhammaatay, mana u malaynayo inaan ku eedayn karno garsooraha taas.”
Inkasta oo Slot uusan ahayn tababare inta badan ku kaca falal kacsan marka uu ku sugan yahay goobta tababarayaasha, haddana dhacdadan waxay ahayd tii saddexaad ee uu jaalle ku qaato xilli ciyaareedkan.
Waxaa sidoo kale la siiyay jaalle kulankii guushii 2-1 ee ay ka gaareen Chelsea iyo barbarahii 2-2 ee ay la galeen Arsenal, labaduba waxay dhaceen bishii October. Slot ayaa inta badan lagu yaqaan inuu ka deggan yahay tababaraha uu xilka kala wareegay, Jurgen Klopp.