Ciyaaryahanka khadka dhexe ee da’da yar ee Argentine Franco Mastantuono, oo 17 jir ah, ayaa noqday mid ka mid ah magacyada loogu jecel yahay suuqa.
Tayadiisa wanaagsan waxaa indhaha ku haya kooxaha waa weyn ee Yurub, laakiin Liverpool ayaa hogaanka u heyso dagaalka loogu jiro saxiixa wiilka dhalinyarada ah.
Liverpool ayaa hadda kaga horeysa saxiixa Franco Mastantuono, oo 17 kooxaha waaweyn ee reer Spain FC Barcelona iyo Real Madrid.
Laacibka River Plate ayaa soo jiitay dareenka kooxaha horyaalada Yurub ugu sarreeya kadib farsamo dabiici ah oo uu la yimid garoomada, taasoo keentay inuu noqdo kan loogu jecel yahay suuqa.
Labada kooxood ee Barça iyo Madrid ayaa waqti horeba u diray Franco Mastantuono, indho- indheyayaal soo qiimeeya tayadiisa.
Sida laga soo xigtay The Sun, Liverpool kaliya ma qiimeyso kartida Mastantuono laakiin sidoo kale waxay aaminsan tahay inuu fure u noqon karo mustaqbalka khadkooda dhexe.
Xitaa waxaa la sheegay in ay xiri karaan heshiiskiisa toddobaadyada ugu horreeya ee suuqa kala iibsiga ciyaatooyda.