Hansi Flick oo ugu dambeyntii war layaab leh kasoosaaray Frenkie de Jong xilli wararka bixitaankiisa ay sii kordhayaan.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa difaacay Frenkie de Jong iyadoo ay sii xoogaysanayaan wararka sheegaya inuu ka tagi karo kooxda xilli ciyaareedka soo socda. Flick ayaa ku adkeystay in De Jong uu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo wax badan kusoo kordhiya kooxda, inkastoo wararka ku saabsan mustaqbalkiisa aysan aheyn kuwo sidaa ku joogsanaya.
De Jong, oo Camp Nou yimid 2019 kadib markii uu soo muuqday intii uu joogay Ajax, ayaa ilaa hadda kula guuleystay Barcelona hal La Liga, Copa del Rey, iyo Supercopa de Espana. Si kastaba ha ahaatee, waxa badanaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha dhibaatada kooxda, gaar ahaan marka ay wax xumaanayaan.
Manchester United ayaa horey loola xiriiriyay xiddiga reer Netherlands, iyadoo la sheegay inuu si isdaba joog ah u muujiyay rabitaankiisa inuu sii joogo Barcelona, xitaa iyadoo ay jiraan xaalado qandaraaskiisa la xiriira oo muran dhaliyay.
Dhaliil ayaa loo jeediyay De Jong kadib bandhiggiisii beddelka ahaa ee kulankii Real Betis, halkaas oo uu ciyaarta ku soo galay badal iyadoo kooxdu hoggaanka ku haysa 1-0, balse ay ugu dambayn ciyaartu ku dhammaatay barbaro 2-2.
Hase yeeshee, Flick ayaa markale muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay ciyaaryahanka 27 jirka ah. Kahor kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Monaco, tababarahii hore ee Bayern Munich ayaa yiri:
“Aniga ahaan, Frenkie waa ciyaaryahan aad muhiim u ah. Tani waa aragtidayda shaqsiga ah, mana maamuli karo waxa bannaanka ka imaanaya. Waa xirfadle weyn oo si buuxda uga shaqeeya tababarka. Anaga ahaan, waa mid muhiim ah.”
Hadalka Flick ayaa u muuqda mid lagu dejinayo xaaladda iyadoo Barca ay sii wajaheyso cadaadiska gudaha iyo midka suuqa kala iibsiga.