Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay Liverpool tartanka loogu jiro weeraryahanka Brighton & Hove Albion Joao Pedro.
Da’yarka reer Brazil ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka 2024-25 isaga oo u dhaliyay 4 gool, 3 caawiyay kooxdiisa Premier League.
Inkasta oo ay 10 darbo ku tuurtay gool Fulham, kooxda Arsenal way awoodi wayday in ay gool ubedesho ciyaartii ka dhacday Craven Cottage ee barbaraha ku dhamaatay.
Tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay kooxda heerka labaad ee Watford xagaagii 2023, Pedro ayaa dhaliyay 24 gool 49 kulan oo uu usaftay kooxdiisa.
Sida laga soo xigtay majalada Isbaanishka ee Fichajes, laba kooxood oo Premier League ah ayaa isku diyaarinaya inay ku dagaallamaan saxiixa ninka Brighton katirsan ee Pedro sanadka 2025.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay soo gashay tartanka loogu jiro 23-sano jirkaan, kaasoo weli muhiim u ah kooxda Fabian Hurzeler.
Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay diyaar u tahay inay ku iibisato weeraryahanka 54 milyan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Arteta ayaa tartan weyn kala kulmi doona saxiixa xiddiga reer Brazil hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool oo xiddigaan u arka bedelka Salah.