Xiriirka kubbada cagta Ingiriiska ee FA, ayaa furay baaritaan ku saabsan hab-dhaqanka taageerayaasha Tottenham Hotspur intii lagu jiray guuldaradii 4-3 aheyd ee ka soo gaartay Chelsea kulan ka tirsan Premier League xalay.
Taageerayaasha kooxda Tottenham ee martida loo ahaa ayaa la arkayay iyaga oo walxo ku tuuraya garoonka intii ay ciyaartu socotay.
Spurs ayaa 11 daqiiqo gudaheed hogaanka ciyaarta ugu qabatay 2-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay Dominic Solanke iyo Dejan Kulusevski.
Laakiin Chelsea ayaa ku soo laabatay gool uu dhaliyay Jadon Sancho, labo rigoore oo uu ku daray Cole Palmer iyo gool uu saxiixay Enzo Fernandez, ka hor inta uusan Son Heung-min gool usoo celin kooxdiisa dhamaadkii ciyaarta
Ciyaarta ka hor, taageerayaasha Spurs ee ku sugnaa South Stand ayaa rabashsdo ku lug yeeshay, ka hor inta qaarkood aysan Walxo halis keeni kara kusoo tuurin garoonka.
Qaar ka mid ah taageerayaasha markii ciyaartoyda Chelsea ay u yimaadaan inay koornooyin ka soo qaadaan dhankooda waxay kusoo tuurayeen caagadaha biyaha iyo agab kale.
FA-ga ayaa la fahamsan yahay in ay baarayaan dhacdadaan, waxaana ay dib u eegi doonaan muuqaalada iyo sidoo kale warbixinta garsoore Anthony Taylor ka hor inta aysan gaxaan soo saarin.