Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay xoojiso qorshaheeda hanashada horyaalka Premier league marka la gaaro suuqa January kaas oo furmi doona wax ka yar saddex todobaad kadib.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu wayn ee ay diirada saarayaan ayaa ah mustaqbalka Mohamed Salah, Virgil van Dijk, iyo Trent Alexander-Arnold oo qandaraaskoodu dhacayo dhamaadka ololahaan.
Reds ayaa heshay nasasho lama filaan ah ka dib kulankii Merseyside derby ee sabtidii ku wajihi lahaayeen Everton dib loogu dhigay cimilada oo xun darteed.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Gravenberch oo udub dhexaad u ah Shaxda Arne Slot ayaa dalab weyn ka helay kooxda Real Madrid, warbixinta ayaa sheegeysa in bandhigiisa cajiibka ah ee Reds uu keenay xiisaha Los Blancos.
Madrid ayaa u aragta Gravenberch mid ku haboon khadkooda dhexe oo ay hore ugu sugnaayeen Jude Bellingham, Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, iyo Federico Valverde.
Waxaa la rumeysan yahay in haddii 22-jirkaan uu go’aansado inuu ka tago Anfield uu Liverpool smaeyn weyn ku yeelan doono, waxasae durba bedelkisia loo calamadeeyay xiddiga Barcelona Frenkie de Jong.
De Jong ayaa bartilmaameed u ah Reds tan iyo dhamaadka xili ciyaareedkii hore, inkastoo uusan dooneyn inuu ka tago Barcelona.
Kadib markii ay lumiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi xagaagii hore, Liverpool ayaa u aragta Frenkie de Jong mid leh qibrad uu wax badan ugu soo kordhin karo kooxdooda.