Mikel Arteta Oo Sheegay In Arsenal Ay “U dhiban tahay” Gabriel Magalhaes Kadib Bar-barahii Fulham.
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in kooxdiisu ay si weyn u dareentay maqnaanshaha daafaca reer Brazil, Gabriel Magalhaes, kadib markii Gunners ay barbaro 1-1 ah la galeen Fulham kulankii Axadda ee Craven Cottage.
Gabriel ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda safka kulanka, maadaama uu la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah toddobaadyadii u dambeeyay, taasoo sidoo kale seejisay kulankii 2-0 ee ay kaga badiyeen Manchester United bartamihii toddobaadkan.
Daafacyada kale ee Arsenal sida Riccardo Calafiori, Ben White, Takehiro Tomiyasu, iyo Oleksandr Zinchenko ayaa iyaguna ka maqnaa safka kulanka Fulham.
Markii la weydiiyay haddii kooxdu ay dareentay maqnaanshaha Gabriel, Arteta ayaa si kooban ugu jawaabay: “Haa.”
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha ayaa muujiyay qanacsanaantiisa ku aaddan bandhigga daafaca Jakub Kiwior. “Waxaan aad ugu faraxsanahay qaab ciyaareedkii Jakub. Waxaan sidoo kale bedelnay hab dhismeedka daafaca oo dhan; waxaan heysanaa Jakub iyo Jurrien [Timber] oo ka ciyaaraya bidix, taasoo aan waligeen hore u tijaabin. Thomas [Partey] ayaa daafaca midig ka ciyaaray, waana uu qabtay shaqadii laga filayay,” ayuu raaciyay Arteta.
Arsenal ayaa weli ku jirta dagaalka loogu jiro inay sii xoojiyaan safkooda iyagoo rajeynaya inay ka hortagaan caqabadaha dhaawacyada soo wajahay.