Pep Guardiola: “Manchester City waa kooxda ugu liidata Premier League ee aan difaacan karin goolal ka yimaada kubbadaha lasoo dhigo bannaanka”
Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay tahay tan ugu liidata Premier League marka ay timaado difaacashada kubbadaha lasoo dhigo bannaanka, kaddib markii ay 2-2 barbaro la galeen Crystal Palace Sabtidii.
Daniel Munoz iyo Maxence Lacroix ayaa laba jeer hogaanka ugu dhiibay Palace garoonka Selhurst Park, laakiin goolal ay dhaliyeen Erling Haaland iyo Rico Lewis ayaa u suurtageliyay City inay hal dhibic ka helaan ciyaarta.
Guardiola ayaa sidoo kale caro ka muujiyay go’aamada garsoorka kaddib markii Rico Lewis casaan la siiyay lix daqiiqo ka hor dhammaadka ciyaarta.
Barbaraha Man City ayaa sababtay iney galaan kaalinta afaraad ee miiska horyaalka Premier League, iyagoo sideed dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Liverpool oo kulan u harsan kaddib markii Merseyside derby-ga Everton dib loo dhigay.
Guardiola ayaa yiri:
“Kubadda cagtu waa ciyaar khaladaad laga heli karo, Dhanka wanaagga, waxaan dhalinay labo gool oo fantastik ah, laakiin marka ay timaado kubbadaha bannaanka lasoo dhigo, hadda koox walba ayaa dhankaas nagaga xoog badan.
“Waan isku dayeynaa inaan yarayno kubbadaha la dhigo ee nagu yimaada, laakiin guud ahaan ciyaarta meesha taalay ayaa sidaa aheyd. Soo laabashada ma fududa, waan isku daynay, waxaanan ku faraxsanahay waxyaabo badan oo kale.”
Markii wax laga weydiiyay rajada horyaalka kaddib barbaraha Selhurst Park, Guardiola wuxuu yiri:
“Waxaan dhowr jeer ku celceliyay, kama hadli karno arrintaas. Waxaan luminay afar kulan oo xiriir ah, hadda barbaro ayaan galnay. Talaabo talaabo ayaan usoo noqoneynaa, waxaan isku dayeynaa inaan guulaysanno kulanka soo socda, marka aan aragno bisha ugu dambeysa.”
Manchester City ayaa wajahaysa caqabado waaweyn xilli ciyaareedkan iyadoo ay u muuqato inay sii wiiqmayso rajadoodii horyaalka.