Manchester United ayaa marti galisay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan horyaalka Premier league, iyada oo doonaysay in ay ka soo kabato guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka Ruben Amorim.
Kadib markii ay Arsenal 2-0 ku garaacday bartamihii Isbuucii hore, Forest ayaa mar kale soo bandhigtay sida ay u nugushahay Man Utd, iyagoo kaga badiyay 3-2.
Nikola Milenkovic uu madax ku dhaliyay labo daqiiqo kaliya markii ay soctay ciyaarta goolka hore ee Forest oo marti aheyd.
Red Devils oo aad u firfircoon, waxaa dib ugu soo celiyay neefta Rasmus Hojlund oo dhaliyay goolka barbaraha ah.
Laakiin bilowga qeybtii labaad Morgan Gibbs-White ayaa darbo xoogan dhaafiyay Andre Onana oo qaladkiisa badnaa caawa.
Man Utd oo yaaban waxaa goolka saddexaad ugu daray Chris Wood oo madaxa ku dhaliyay kroos ka yimid Gibbs- White.
Manchester United kabtankeeda Bruno Fernandes ayaa neefta kusoo celiyay kooxdiisa markii uu dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa, laakiin waxba uma tarin waxaana lagu qaarajiyay Man Utd 3-2.
Haddaba saddex waxyaabood ayaa laga bartay guuldarradii labaad xiriir ah oo soo gaartay Horyaalka Amoron
1. Dhibaatada Man Utd ku qabto kubadaha koornooyinka
Manchester United ayaa laga dhaliyay seddex gool oo gees ka laad ah labo ciyaarood gudahood, waa heer muujinaya sida Amorim kooxdiisa ugu diyaarsaneyn ka hor taga kubadahaas qorsheysan.
Arsenal ayaa laba gool madaxa ah ka dhalisay kulankii guuldarradii ay kala kulmeen, markale caawa waa laga dhaliyay.
Haddii uusan xal u helin arinkaan tababare Amorim kooxdiisa way dhibtoon doontaa wax badan xili ciyaareedkaan.
2. Dhibaatada Line-ka dambe ee kooxda Man Utd
7 gool ayaa laga dhaliyay 5 kulan oo uu hogaamiyay tababare Rúben Amorim Manchester United tartamada oo dhan.
Waax wax aan la saadalin bilowga waayihiisa cusub ee Premier League, laakiin waxaad moodaa inuu wajahayo dhaleeceyn badan.
Line-ka dmabe ee difaaca iskama warqabaan, mararka qaar waxay luminayaan kubado garab dhaaf ay ku heli karaan.
Dadka wax fakanqeeye waxay u arkaan in dhibka ugu badan uu yahay taatikada back 3 ee uu macalinkan Mna Utd adeegsado.
3. Amorim ma fahmsana muhiimada Bruno Fernandes
Goolkii uu ka dhaliyay Forest ayaa ahaa goolkiisii 11-aad ee uu ka dhaliyo meel ka baxsan diilinta horyaalka Premier League, kaliya Kevin De Bruyne iyo James Ward-Prowse oo min 14 jeer ka dhaliyay ayaa dhaliyay goolal ka badan Bruno meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Man Utd oo u baahan gool in la bedelo ciyaaryahanka Bruno Fernandes waxaya heyday wax layaab leh, laakiin Amorim ayaa sameeyay caawa.
Si guud Amorim wali ma fahmin muhiimada kooxdiisa u leeyahay Bruno inuu kujiro garoonka, maadaama uu yahay laacibka wax go’aamin kara daqiiqad kasta.