Marc Guéhi, kabtanka Crystal Palace, isla markaana qayb muhiim ah ka ah difaaca xulka qaranka England, ayaa waxaa isha ku haya Manchester United suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Daafaca dhexe wuxuu soo jiitay xiisaha kooxaha ugu sareeya England xili ciyaareedkaan kadib bandhig fiican oo uu ka sameeyay kooxdiisa.
Old Trafford, ciyaaryahanka ayaa looga arkaa mid xal u nooqn kara dhibaatada daafaca, awoodiisa iyo khibradiisa ayaa soo jiidatay tababare Amorim.
Daafaca 24-jirka ah ayaa tiir-dhexaad u ahaa Crystal Palace tan iyo markii uu yimid, isaga kusoo baxay hogaamiyaha qolka labiska iyo garoonka dhexdiisa.
Awoodiisa ayaa keentay in loogu yeero Xulka qaranka England, waxa uu ahaa mid si joogto ah ugu ciyaaray xulka tartankii Euro 2024.
Inkasta oo uu qandaraaska uu kula jiro Crystal Palace dhacayo June 2026, Manchester United ayaa ka faa’iidaysan karta rabitaanka xiddiga, waxaana ay ku heli karaan 40 milyan oo Yuuro, taasoo ah lacag ay awodaan in ay bixiyaan.
Haddii Manchester United ay ku guuleysato inay dhameystirto heshiiskaan, Guéhi wuxuu noqon karaa mid ka mid ah tiirarka daafaca ee ugu muhiimsan kooxda uu hogaamiyo Rúben Amorim.