Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Hadalkii Jose Mourinho Ee Ku Saabsanaa Kiiska Sharciga ee Manchester City.
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si maldahan ugu jawaabay tababare Jose Mourinho, ka dib markii uu Mourinho si dhaleeceyn ah uga hadlay kiiska sharciga ah ee City kala dhaxeeya Premier League.
Mourinho ayaa usbuucan ka hadlay kiisaska sharci ee ay Manchester City ka gashay horyaalka, isagoo si gaar ah u sheegay inuu dareemayo in kooxda ay wajihi karto cawaaqib xumo. Guardiola, oo u muuqday inuu si naxdin leh uga falceliyey, ayaa sheegay in Mourinho uu ku soo biiray “liiska weyn” ee dadka doonaya in Manchester City loo raro heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska.
“Wuxuu ahaa kaftan,” ayuu yiri Guardiola isagoo ka hadlaya aflagaadadii uu horay ugu weeraray Mourinho ee ku saabsanaa shaqo ka cayrintiisii Chelsea, inkastoo uu koobab ku guuleystay. Guardiola ayaa intaas ku daray:
“Laakiin Mourinho wuxuu hadda ku biiray liiska dheer ee raba in Manchester City lagu arko League One ama Conference. Waxaan ku oran lahaa Mourinho: waxaan nahay dad aan waxba galabsan illaa inta caddayn laga helayo. Wixii intaas ka dambeeya, waqtiga ayaa sheegi doona.”
Guardiola ayaa sidoo kale sheegay inuu ixtiraam u hayo Mourinho, isagoo tilmaamay in labadoodaba ay ku fadhiyaan miiska tababarayaashii ugu guulaha badnaa, sida Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger.
“Aniga iyo Mourinho, waxaan fadhin karnaa miiskaas. Waan xaqiijinayaa, dhawaan waa la inoo hambalyeeyn doonaa.”
Hadalkan ayaa sii hurinaya tartankii hore ee adkaa ee u dhaxeeyay labada tababare, kuwaas oo waayo badan ku qaatay xifaaltan kubadeed oo taariikhi ah.