Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celisay xiisihii ay u qabeen daafaca Crystal Palace ee Marc Guehi ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Selhurst Park in ka badan hal sano, waxaana si weyn loo filayay inuu ku biiro Newcastle United xagaagii.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Eddie Howe ayaa awoodi wayday inay bixiso qiimaha ay dalbaneysay Crystal Palace haddii uu baxayo Guehi.
24 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu baxo suuqa kala iibsiga sanadka soo socda, Man Utd ayaa haatan isha ku heysa inay u dhaqaaqdo, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes.
Red Devils ayaa waqti dheer la dhacsan Guehi waxaana la filayaa in ay dib u soo nooleeyaan xiisahooda xiddigii hore ee akadeemiyada Chelsea iyaga oo doonaya in ay 2025 ku xoojiyaan kooxda kowaad ee Ruben Amorim.
Jarrad Branthwaite iyo Ousmane Diomande ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u wareegaan Old Trafford iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Harry Maguire, Jonny Evans iyo Victor Lindelof ay ka tagi karaan Man Utd sanadka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Guehi ayaa u soo muuqday bartilmaameedka uu mudnaanta koowaad siinayo Amorim, iyadoo daafaca England loo arko inuu ku habboon yahay nidaamka 3-4-2-1 ee tababaraha Man Utd.