Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawaca cusub ee kooxdiisa ka hor kulanka Premier League ee ay Old Trafford kula ciyaari doonaan kooxda Nottingham Forest.
Shayaadiinta cascas ayaa la kulantay guuldaradii ugu horeysay ee waayaha Amorim habeenkii Arbacada markii ay 2-0 ku garaaceen Arsenal.
Amorim oo doonaya in kooxdiisa ay ka jawaabto gudarradaas marka ay martigelinayaan Forest kulanka berrito, waxa uu la kulmay dhibaato dhaawac ah.
Si kastaba ha ahaatee, Jonny Evans ayaa weli maqan, waxa uu u sheegay suxufiyiinta Amorim “Jonny wali ma tababaran, Victor waxa uu ku soo laabtay tababarka laakiin diyaar uma aha kulanka berri, laga yaabee in kulanka soo socda uu diyaar noqon doono.
Lindelof ayaa ka ciyaari kara dhanka midig ee seddexda dambe ee daafaca, waxaana uu rajeynayaa inuu helo waqti uu kusoo jiito tababare Amorim, waxa uu soo laaban karaa kulanka Viktoria Plzen ee Europa League Khamiista sida uu sheegay macalinka Man Utd.
United ayaa hoos uga dhacday kaalinta 9-aad, waxayna ku laabteen kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka kadib guuldaradii todobaadkan ku soo gaartay London.
Waxa ay hadda todoba dhibcood ka dambeeyaan boosaska afarta sare ee Champions League lagu ciyaaro.
Red Devils ayaa u baahan in ay ku soo laabato wadada guusha kulanka ay beri la ciyaari doonto kooxda Nuno Espirito Santo.