Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka warbixiyay xaalada David Alaba iyo Vinicius Junior ka hor kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Girona horyaalka La Liga.
Labada ciyaaryahan ee Alaba iyo Vinicius ayaa hadda ka soo kabanaya dhaawacyo ay kaga maqan yihiin Real Madrid, waxaana ay seegeen guuldaradii 2-1 kooxdooda ka soo gaartay Athletic Club Arbacadii La Liga.
Si kastaba ha ahaatee, waxay labaduba ku soo laabteen tababarka kooxda ka hor kulanka Girona ee isbuucaan iyo kulanka Atalanta ee Champions League Talaadada.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Laliga, Ancelotti ayaa bixiyay wararkii ugu dambeeyay ee xaalada labada ciyaaryahan ee dhaawaca ah.
Tababaraha talyaanigu wuxuu yiri: “David Alaba wuu soo laabanayaa, laakiin waxay qaadan doontaa hal bil si uu u helo qaab ciyaareed wanaagsan oo uu dib ugu soo laabto garoomada.
Wuxuu diyaar noqon doonaa bisha Janaayo ee sanadka cusub, sababtoo ah isugu wuu u baahan yahay taxadar dheeraad ah.
Dhanka Vinicius Jr wuxuu diyaar u noqon doonaa kulanka Atalanta ee talaadada, wuu ka roon yahay hadda sidii hore “ayuu yiri tababaraha Real Madrid.
Real Madrid waxaa hoos u dhac weyn ku keenay hamigoodii xili ciyaareedkaan dhaawacyo badan oo xiriir ah oo ay kooxdu wajahday.