Rafael van der Vaart, ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Tottenham, ayaa ku tilmaamay xiddiga Liverpool, Mohamed Salah, inuu yahay “ciyaaryahanka ugu fiican adduunka” isaga oo ka sarre mariyay Kylian Mbappe iyo Vinicius Jr.
Salah ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Liverpool, isagoo dhaliyay 13 gool iyo siddeed caawin 14 kulan oo Premier League ah. Waxqabadkiisa ayaa ka caawiyay kooxda uu hogaamiyo Arne Slot inay hogaanka Premier League qabato, iyagoo todobo dhibcood ka sarreeya kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo ku tartamaya horyaalka.
Van der Vaart ayaa ku adkeystay in aysan jirin ciyaaryahan ka fiican Salah waqtiga xaadirkan. Wuxuu u sheegay BetMGM:
“Waxaan u maleynayaa haa, [Mohamed] Salah waa kan ugu fiican. Aad ayaan u jeclahay [Kylian] Mbappe laakiin xilligan ma muujinayo awoodiisa.
“Waxaad haysataa Vinicius Jr sidoo kale, laakiin waxaan aaminsanahay in Salah uu ahaa mid joogto ah sanado badan.
“Waxaad ka arki kartaa [Mohamed Salah] inuu si dhab ah uga helayo nolosha Liverpool, waana inuu halkaas ku sii nagaadaa.”