Ruben Amorim ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay ee horyaal tan iyo December 2023, waa guuldaradii ugu horeysay ee Premier League.
kulanka wuxuu ahaa tijaabadii ugu weyneyd ee ugu horeysay shaqadiisa cusub ee Manchester United.
Boortaqiiska ayaa ka digay duufaan ku soo wajahan kooxdiisa ka hor ciyaarta, inkastoo ay 4-0 kaga badiyeen Everton isbuucaan.
“Duufaantu way iman doontaa, waxaa nagu soo wajahan waqtiyo adag, waxaana la ogaan doonaa ciyaaraha soosocda qaarkood,” ayuu ku yiri Amorim.
Duufaantaas uu sheegay Amorim ayaa ku timid garoonka Emirates qeybtii labaad ee ciyaarta markii koornooyinka Arsenal ay ku soo daateen xerada ganaaxa United, waxaana dhaliyay laba gool Jurrien Timber iyo William Saliba.
Waa markii ugu horeysay oo United laga dhaliyo labo gool oo koorno ah kulan Premier League ah tan iyo Janaayo 2014.
Mararka qaarkood, natiijadu aad ayay uga muhiimsan tahay qaab ciyaareedka, tani waxay ahayd mid ka mid ah habeennadii taariikhda kooxda Arsenal.
Kooxda Mikel Arteta ayaan ku jirin sidii ugu fiicnayd markii ay garacaday kooxda Manchester United waxayna u baahdeen laba gool oo isku mid ah oo ku yimid kornooyin.
habeen ay hogaamiyayaasha Premier Leaque iyo kooxda ugu cad cad tartanka ee Liverpool taako u dhigtay Newcastle, Arsenal ayaa diiday in ay dhibci ku lumiso Man Utd.
Maqnaanshaha halistooda ugu weyn ee koornooyinka Gabriel Magalhães, daafacyada kale ayaa ee kooxda ayaa muujiyay in ay iyaguna ku fiican yihiin koornooyinka, iyadoo Jurriën Timber iyo William Saliba ay dhaliyeen goolasha ciyaarta ku badisay Arsenal.
Arsenal ayaa si adag ugu shaqeysay guusha, iyadoo kooxda Ruben Amorim ee United aysan abuurin fursado badan oo halis ah.
Qeybta labaad ee ciyaarta Arteta go’ankiisii ugu weynaa ayaa ahaa inuu ka taqluso Man Utd, yoolkiisa ugu danbeyn wuu gaaray.
Arsenal ayaa badisay afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay wajahday Manchester United markii ugu horeysay taariikhda.
Waxa ay sidoo kale badiyeen mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigooda kula ciyaaraan Red Devils, waa heerkodii ugu fiicnaa tan iyo April 1978 markaasoo ay badiyeen toddobo kulan oo isku xigta.
Waxaa jiray laba rikoor oo ceeb ku ahaa Amorin kulankii xalay ee Arsenal.
1. Manchester United ayaa laga dhaliyay labo gool oo koorno ah kulan Premier League ah waa markii ugu horeysay tan iyo Janaayo 2014 (markaasoo ay ka dhalisay Chelsea, labadaba waxaa ka dhaliyay Samuel Eto’o)
2. Isku daygii ugu horeeyay ee Manchester United ayaa yimid daqiiqadii 42-aad – waa daqiiqaihii ugu dheeraa darbo sugto Man Utd kulan horyaalka ah xilli ciyaareedkan.
Labadaas rikoor waxay ceeb ku ahaayeen Amorim, Ten Hag xitaa ma sameyn saddex sano oo uu kooxda maamulayay.