Alexander Isak, weeraryahanka Sweden ee katirsan kooxda Newcastle, ayaa noqon kara xagaaga ka mid ah ciyaartooyda loogu doonista badan yahay suuqa.
Chelsea oo raadinaysa weeraryahan awood u leh inuu Kooxda reer London ka caawiyo tartanka Premier League ayaa diyaar u ah inay bixiso ku dhawaad 100 milyan oo Yuuro si ay u hesho saxiixa Isak.
Isak oo da’diisu tahay 25 jir, waxa uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican weerarka ee sida weyn looga doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Newcastle United tan iyo markii uu kusoo biiray wuxuu noqday ciyaaryahan muhiim u ah hamigooda Premier League iyo tartamada Yurub.
Chelsea ayaa u aragta weeraryahanka Swedish-ka ah inuu yahay ciyaaryahanka wax ka bedeli kara safka hore ee weerarka oo ay aad ugu dhiban yihiin.
Isak waxaa la aaminsan yahay inuu Chelsea ka caawin karo ku guuleysiga Premier League haddii uu go’aansado inuu u dhaqaaqo xagaaga galbeedka London.
Si kastaba ha noqotee, Newcastle ayaa u aragta ciyaaryahanka inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu muhiisan kooxda, waxaana ay ku fasixi karaan wax badan 100m.
Arsenal iyo Barcelona ayaa sidookale la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u yahay weeraryahanka Sweden suuqa xagaaga, laakiin sida ay hadda wax usocdaan Chelsea ayaa kaga horeysa saxiixiis.