Barcelona Diyaar U Ah Iibinta Frenkie de Jong Haddii Ay Helaan Dalab €20 Milyan Ah
Warbixin uu soo saaray wargeyska SPORT ayaa sheegaysa in Barcelona ay diyaar u tahay inay aqbasho dalab ku kacaya €20 milyan si ay u fasaxaan xiddiga khadka dhexe Frenkie de Jong.
Arintani waxay muujinaysaa hubanti la’aanta ku hareeraysan mustaqbalka xiddiga reer Netherlands ee kooxda. De Jong, oo mar loo arkayay tiirka dhexe ee Barcelona, ayaa waayihiisa hoos u dhacay tan iyo markii tababare Hansi Flick uu qabtay kooxda.
Xiddigan ayaa lumiyay booskiisii joogtada ahaa, iyadoo taageerayaasha qaar ay si cad u muujinayaan niyad-jabka ay ka qabaan qaab ciyaareedkiisa, iyagoo mararka qaar ku qeyliya garoonka.
Barcelona ayaa markii hore isku dayday inay xalliso xaaladda De Jong iyadoo u soo bandhigtay heshiis cusub, maadaama agaasimaha ciyaaraha Deco uu ku tilmaamay mid muhiim u ah qorshaha kooxda. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaas ayaan suuragalin ka dib dhaawac canqowga ah oo uu xiddigu ku maqnaa tan iyo bishii Abriil.
Mudnaanta hadda u weyn ee Barcelona ayaa ah inaysan Frenkie de Jong gelim xaalad uu qandaraaskiisu ka harsan yahay sanad kaliya iyada oo aan heshiis cusub laga saxiixin. Maadaama xaaladdu ay adag tahay, kooxda ayaa diyaar u ah inay xiddigan suuqa geyso.
Xitaa waxaa la sheegay in Barca ay tixgelinayso iney ku iibiso De Jong qiimo hoose, xitaa haddii loo baahan yahay in lagu fasaxo beeca xorta ah. Si kastaba ha ahaatee, dalab €20 milyan ah ayaa loo arkaa mid ku filan oo lagu fasaxi karo xiddigan reer Netherlands.