Marcus Rashford oo isku diyaarinaya inuu rikoodhkiisa fiican ee Arsenal sii wato.
Marcus Rashford ayaa isku dayi doona inuu ka caawiyo Manchester United guushii saddexaad oo xiriir ah tartamada oo dhan marka ay Red Devils la ciyaaraan Arsenal kulanka Premier League ee soo socda.
Kooxda Ruben Amorim ayaa kulanka ciyaari doonta iyagoo si xoogan 4-0 ugu adkaaday Everton, taasoo ahayd guushii ugu weyneyd ee ay xilli ciyaareedkan gaaraan horyaalka Premier League.
Rashford ayaa labo gool ka dhaliyay kulankii Everton, isagoo haatan saddex gool ku dhaliyay labadii kulan ee uu horyaalka maamulayay tababare Amorim.
Manchester United ayaan guuldarro la kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxayna ku jiraan kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta Premier League, afar dhibcood ayeyna ka dambeeyaan kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Brighton & Hove Albion.
Rashford ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 7 gool, isagoo sidoo kale caawiyay 3 kale 21 kulan oo uu saftay, kuwaas oo ay ku jiraan 4 gool iyo hal caawin 13 kulan oo Premier League ah.
Xiddiga reer England ayaa rikoodh fiican ku leh kulamada uu Arsenal wajaho, isagoo ka hor tagay 17 jeer tartamada oo dhan. Rashford ayaa dhaliyay 6 gool, 4 kale ayuu caawiyay 17 kii kulan uu Arsenal kahor tagay.
Waxaa la sugayaa in Rashford uu rikoodhkiisa wanaagsan sii wadan doono marka ay Manchester United booqato Arsenal.