Daaficii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Arsenal kaliya ay Liverpool kula tartami karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa 9 dhibcood ku hogaamineysa Premier League, iyadoo Gunners ay kaalinta labaad kula jirta Chelsea oo leh 22 dhibcood.
Laakiin Neville, oo ka hadlayay kooxaha tartanka kujira, waxa uu rumaysan yahay in wax adag ay tahay kooxda Enzo Maresca in lagu tilmaamo tartamayaal.
Waxa uu yiri: “Waxaan dareemeynaa waqti hore in aan Chelsea la dhihin karin tartamayaal. Inkasta oo ay isku dhibco yihiin Arsenal, haddana ma dareemayo in Chelsea ay sii wadi doonto tartanka kulamada soosocda “ayuu yiri Neville.
“Weli waxaan dareemayaa inay noqon doonto Arsenal kooxda kaliya ee la dagaalami karta Horyaalka Liverpool xilligan.
“Chelsea waxa ay ku jirtaa xilli ciyaareed cajiib ah. Enzo Maresca wuxuu helay xasillooni ay adagtahay in la helo, waxaa ka muuqda wax aysan sameyn labadii xilli ciyaareed ee u dambeeyay kooxda, laakiin taas macnaheedu ma ahan inay tartan ugu jiraan ku guuleysiga Premier League “ayuu ku dooday Neville.
Falanqeeye Neviil oo hore wacad ugu maray in Arsenal ay qaadeyso xili ciyaareedkaan Premier League ayaa markasta soo fariista isagoo difaacanaya go,aankiisii hore.