Marcus Rashford oo muddo Premier League- ka maqnaa qaab-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ayaa dib ugu soo laabtay si cajiib ah kaddib markii Manchester United ay si weyn uga adkaatay Everton Axaddii, hase yeeshee tababaraha cusub ee kooxda, Ruben Amorim ayaa dalbanaya in uu wax badan sameeyo Rashford.
Amorim, oo guushan ku sii xajiyay bilowgiisii guuldarro la’aanta, ayaa United u qaaday qaybta sare ee horyaalka isagoo afar dhibcood u jira boosaska Champions League. Rashford iyo Joshua Zirkzee ayaa dhaliyay goolasha, balse Amorim ayaa sheegay in Rashford – oo hadda xilli ciyaareedkan toddobo gool dhaliyay – uu weli horumar ka samayn karo qaab ciyaareedkiisa si uu heer kale u gaaro.
“Wax badan baa horumar u baahan,” ayuu yiri Amorim, mar la weydiiyay arrimaha la xiriira Rashford. “Wuxuu samayn karaa wax ka wanaagsan intan. Dhammaanteen waa inaan horumar sameynaa, laakiin shaqo fiican ayey ahayd dhanka ciyaartoyda.
“Waa inuu sii wataa horumarka waana uu awoodaa inuu sidaas sameeyo.Hore ayuu u caddeeyay taas, laakiin wuu u ciyaari karaa si ka wanaagsan, sida ciyaartoyda kale. Sidaas darteed, waxay ahayd bandhig wanaagsan. Berrito waa inuu soo kabtaa oo bilaabaa inuu ka fikiro ciyaarta Arsenal.”