Ciyaartii Inter Milan ee Serie A ay la ciyaareysay Fiorentina ayaa hakad la geliyay ka dib markii Edoardo Bove, oo ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fiorentina oo ku dhaxdhacay garoonka.
Bove, oo amaah ku jooga Florence, kana yimid AS Roma, ayaa si lama filaan ah ugu dhacay garoonka daqiiqadii 16aad, waxaana looga saaray bareelo ka dib markii ay saraakiisha caafimaadka labada kooxood u muujiyeen gargaar caafimaad oo degdeg ah.
22-jirkan ayaa la saaray ambalaas waxaana loo qaaday isbitaalka si loola tacaalo xaaladiisa deg deg ah.
Ciyaarta ayaa ahayd mid gool la’aan ah xiligii la joojinayay, waxaana labada koox ay ku kala jiraan kaalimaha saddexaad iyo afraad ee kala sarreynta horyaalka Talyaaniga.
Bove ayaa ciyaarayay kulankiisii 12-aad ee horyaalka Fiorentina tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Roma xagaagii.
Bove ayaa heshiiskiisa amaahda ah waxaa ku jira qodob ay La Viola si joogta ah ugu iibsan karto dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laacibka khadka dhexe ayaa ee caawa dartiis loo joojiyay ciyaarta ayaa hal gool iyo seddex caawin sameeyay Serie A xilli ciyaareedkan.