Halyeeyga horyaalka Premier League Alan Shearer ayaa saadaal ka bixiyay kulanka adag ee Axadda dhexmaraya kooxaha Liverpool iyo Manchester City, kaas oo ka dhici doona garoonka Anfield.
Labadan kooxood oo caan ku ah tartanka adag ee horyaalka ayaa kulanka ciyaaraya ayagoo ku sugan xaalado kala duwan. Manchester City ayaa raadineysa inay kasoo kabato natiijooyin aan fiicnayn, halka Liverpool ay dooneyso inay sii wado guulaheeda xiriirka ah ee ay ku hoggaaminayso horyaalka Premier League.
Shearer ayaa rumeysan in Liverpool ay awoodi karto inay guul gaarto, isagoo sheegay in qaab-ciyaareedkooda iyo dhibaatooyinka khadka dhexe ee Man City ay ka dhigi karto mid aad ugu adag City inay guul gaaraan.
“Haddii City aysan iska adkeyn khadka dhexe ama aysan si fiican u xoojin, Liverpool ayaa halkaas ku awood roonaan karta. Waxaa jiri doona dagaallo waaweyn oo la sugayo. Qof kasta oo Pep Guardiola uu go’aansado inuu ka ciyaaro daafaca bidix ayaa wajihi doona caqabad culus,” ayuu yiri Shearer.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaa ku daray: “Marka la eego qaabka ay Man City u ciyaareyso iyo sida ay Liverpool u dardar gelinayso ciyaarteeda, ma arko wax natiijo ah oo kulanka kasoo bixi kara marka laga reebo guul ay Liverpool gaarto.”
Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo saameyn wayn ku leh tartanka horyaalka, maadaama Liverpool ay hoggaanka siddeed dhibcood ku hayso, halka Man City ay ku jirto dadaal ay dib ugu soo ceshaneyso qaab-ciyaareedkeedii wanaagsanaa.