Tababare Amorim ayaa ammaan kala dul dhacay Mazrui oo soo bandhigay ciyaar qurux badan.
United ayaa hadda ku jirta kaalinta 12-aad ee miiska Europa League, kaasoo la hirgeliyay xilli ciyaareedka 2024-25, waxayna soo uruursadeen labo guul shantii kulan ee ay ka ciyaareen Yurub ilaa hadda.
Red Devils ayaa ku jirta boos xooggan oo ay ugu soo baxayaan heerka bug-baxa, iyadoo United loo arko mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad ee u tartamaya hanashada horyaalka Europa League.
Markii ay ciyaarta Bodo/Glimt dhamaatay ka dib, tababaraha United Ruben Amorim ayaa amaanay bandhigga Mazraoui isagoo aad ula yaabay daafaca “cajiibka ah”.
“Waa ciyaaryahan cajiib ah, waa mustaqbalkeenna,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee Manchester United.
“Wuxuu ka ciyaaray boosas kala duwan; mar walba wuxuu u muuqdaa mid firfircoon laakiin waa inaan taxaddar muujino. Ciyaaro badan ayaa jira laakiin wuu nala joogayaa. Ciyaaryahan noocan ah waa waxa aan u baahannahay.”