Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa ku adkeystay in weeraryahanka Faransiiska, Christopher Nkunku, uusan waligiis dhihin kuma faraxsana kooxda.
Arintaan uu ka hadlay tababaraha Chelsea ayaa daba socotay warar xan ah oo sheegaya in laacibku uu ku biirayo Manchester United suuqa xagaaga.
Maresca ayaa soo xiray suurtogalnimada uu xiddiga reer France ka tagi karo kooxdiisa bisha January.
Blues ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League halka Nkunku uu yahay gool dhaliyaha ugu sareeya xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 10 gool.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer France ayaan ka Helin wali tababare Maresca shaxda koowaad ee Premier League, isagoo lagu so koobay tartamada kale ee kooxdu ciyaareyso.
Iyadoo taasi jirto, Maresca ayaa ku adkeystay in mustaqbalka weeraryahankiisa uu wali yaalo Stamford Bridge.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Chelsea la ciyaareyso kooxda Bundesliga ka dhisan ee Heidenheim caawa, tababaraha talyaanigu wuxuu yiri, “Haba yaraatee. Waxaan la hadlay Christo maalmo ka hor – ma uusan igu dhihin kuma faraxsani kooxda.
Warkaan ayaa dhabar jab weyn ku noqon doona macalinka cusub ee Man Utd Amorim kaasoo isha ku hayay weeraryahanka reer France maalmihii lasoo dhaafay.